N’Golo Kante Oo Ka Hadlay Saxiixa Cusub Ee Kooxda Chelsea Christian Pulisic

0

Xiddiga khadka dhexe ee kooxda Chelsea N’Golo Kante ayaa ka hadlay waxa ay xiddigaha kooxda chelsea ka aaminsan yihiin saxiixooda cusub ee Christian Pulisic.

Kooxda chelsea ayaa Arbacadii ku dhawaaqday saxiixa xiddiga reer America kaas oo ugu soo biiri doona lacag dhan 57 milyan oo euro xagaaga dambe marka uu dhamaysto xilli ciyaareedkan.

20 jirka ayay kooxda chelsea u aragtaa xiddig mustaqbal fog ku leh kooxda waliba qiimo fiican ku kici kara hadii uu damco in uu ka tago kooxda mustaqbalka dhaw.

Kante oo la hadlaya wargayska Daily Mail ayaa yidhi”Waxa aan ognahay in uu yahay xiddig cajiib ah soona bandhigay qaab ciyaareed cajiib ah intii uu joogay, waxa uu ku soo biiray Chelsea waxana ay u tahay taxadi fiican”.

“Waxa ay sharaf weyn ii tahay in aan ka garab ciyaareedka xiddig sidaas oo kale ah, waxana aan sugi laayahay in aan ka garab ciyaaro”.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here