Neymar, Willain, Pogba, Werner, Alaba & Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Suuqa Kala Iibsiga

Suuqii January ayaa si Rasmi ah u xidhmay laakiin taas ayaa la macno ahayn in ay kooxaha kala duwan ee yurub sidaas kaga seexanayaan arimaha.

Kooxaha reer yurub ayaa u diyaar garoobaya suuqa Xagaaga ee dhamaadka xilli ciyaareedkan iyaga oo sii indha-indhaynaya xiddigaha ay doonayaan.

Hadaba kooxda.com ayaa idiin soo gudbinaysa wararkii ugu dambeeyay ee suuqa kala iibsiga ciyaartoyada iyo xiddigaha ay kooxdaadu doonayso.

Waxa xusid mudan in wararka aan soo qaadano in aanan wax masuul ah ka ahayn laakiin aanu ka soo xiganay wargaysyasa ku xor xusan.

Weeraryahanka kooxda RB Leipzig & Germany ee Timo Werner ayaa looga digay in uuna xagaaga ku biirin kooxda Liverpool (Mirror).

Tababaraha ku meel gaadhka ah ee Kooxda Man United Ole Gunnar Solskjaer ayaa door weyn ka ahaan doona kooxda xitaa hadii uu ka tago kooxda (Sun).

Tababaraha Kooxda PSG ee Thomas Tuchel ayaa sheegay in ay kooxdiisu ka kabsan karto maqnaanshaha Neymar oo dhaawac ku seegi doona kulanka champions League (Sun).

Kooxda Real Madrid ayaa meesha ka saartay in ay amaah ku diri doonto xiddiga Brahim Diaz kaas oo ay suuqii Janaury kala soo saxiixatay Man City (AS).

Kooxda chelsea ayaa khatar ugu jirta in ay waydo xiddiga garabka uga ciyaara ee Willain kadib markii ay u soo bandhigtay heshiis aad u yar (Star).

Kooxda Man United ayay ka go,antahay in ay kor u qaado dadaalka ay ku doonayso xiddiga daafacauga ciyaara kooxda Napoli ee Kalidou Koulibaly (Star).

Kooxda Juventus ayaa ku kalsoon in ay heli doonto saxiixa xiddiga khadka dhexe ee Paul Pogba inkasta oo uu xiddigu wakhti fiican ku qaadanayo Man United (Express).

Kooxaha Man United iyo Liverpool ayaa niyad jab kala kulmay baacsiga ay ugu jiraan saxiixa xiddiga aadka loo qiimeeyo ee Joao Felix kaas oo qirtay in uu doonayo in uu Ronaldo kaga garab ciyaaro Juventus (Tuttosport).

Kooxda Juventus ayaa isku diyaarinaysa in ay u dhaqaaqdo saxiixa xiddiga daafaca uga ciyaara Ajax ee Matthijs De Ligt kaas oo ay u aragto badalka mustaqbalka fog ee Giorgio Chiellini (Calciomercato).

Xiddiga cusub ee kooxda Bayern Munich ee xagaaga ku biiri doona ee Benjamin Pavard ayaa qirtay in uu iska diiday dalab uga yimid Liverpool si uu ugu biiro Bayern Munich (Bild).

Kooxda Real Madrid ayaa isku diyaarinaysa in ay u dhaqaaqdo saxiixa xiddigaha De Ligt (Ajax), Marquinhos (PSG), Milan Skriniar (Inter) & David Alaba (Bayern) si ay ugu xoojiyaan kooxda xagaaga (Don Balon).

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here