Neymar Oo U Duulay Magaalada Barcelona & Sababta Oo La Ogaaday

Xiddiga kooxda PSG ee Neymar ayaa lagu soo waramayaa in uu u duulay Magaalada Barcelona si uu halkaas ugu daawayn kadib dhaawacii soo gaadhay.

Xiddiga reer France ayuu dhaawac ka soo gaadhay lugta waxana ay kooxdiisu xaqiijisay in uu garoomada ka maqnaan doono muddo 10 todobaad ah.

Wargayska Sport ayaa sheegay in uu Neymar u duulay Barcelona si uu halkaas ugu maro daawaynta uu dhaawaciisu u baahan yahay.

Xiddiga ayaa seegi doona kulamo badan oo kooxdiisa ah inta ka dhiman xilli ciyaareedkan kana mid yihiin wareega 16-ka ee Champions League ay la ciyaari doonaan Man United.

Neymar ayaa la filayaa in uu sidoo kale seego tartanka copa America kadib markii uu tababaraha xulka Brazil xaqiijiyay in uuna khatar galin doonin xiddiga maadama uuna taam buuxa noqon doonin.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here