Neymar Oo Si Cadhaysan Uga Jawaabay Su,aal Laga Waydiiyay Wararka La Xiriirinaya Barcelona

Xiddiga Kooxda Paris Saint-Germain ee Neymar ayaa daawayn u yimid Magaalada Barcelona Laakiin waxa madaarka kaga hor yimid su,aalo la xiriira kooxda Barcelona.

Xiddiga reer Brazil ayaa xanaaq bestii noqday kadib markii wax laga waydiiyay ku soo laabashada kooxda Barcelona markii uu madaarka ka soo dagay.

Xiddiga ayaa wajahaya 10 todobaad oo uu garoomada kaga maqnaan doono dhaawac soo gaadhay waxana uu yimid magaalada Barcelona si uu u sii wado daawayntiisa.

Kadib markii uu madaarka ka soo dagay saxaafada kala duwan ayaa kula orday Kamerooyinka xilli uu xiddigu ku boodayay biro.

Xiddiga ayaa la waydiiyayy in uu mar kale doonayo in uu xidho maaliyada Barcelona laakiin xiddiga ayaan wax xiiso ah u qabin in uu ka jawaabo su,aashaas.

“Ha I Taaban”ayaa ahayd jawaabtii uu xiddiga reer Brazil ugu jawaabay saxafiga markii uu wax ka waydiiyay ku soo laabashadiisa Barcelona.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here