Neymar Oo Shan Jeer La Xiriiray Barcelona Si Uu Ugu Laabto Camp Nou & Sheeko Xiiso Leh Oo Laga Helay Wadada Uu Neymar U Marayo Ku Laabashada Barca

0

Ku Biirista Kooxda Paris Saint-Germain ayaa u muuqata in ay tahay wax uu Neymar ka shalaynayo xilli uu xiddiga reer Brazil isku dayayo in uu ku laabto Barcelon.

Xiddiga reer Brazil ee 26 jirka ah ayaa lagu soo waramayaa in uu 5 jeer la soo xiriiray Barcelona si uu isugu dayo ku soo laabashada Barcelna.

Neymar ayaa si aad ah u doonayo in uu ka laabto u dhaqaaqistii Paris iyada oo uu aabaha Neymar si toos ah ula xiriiray Madaxweynaha Barcelona ee Josep Maria Bartomeu isaga oo ka bar-yay in uu dalab ka gudbiyo wiilkiisa.

“Wuu ka xun yahay in uu Barcelona ka tagay, wuuna ka niyad jabsan yahay”Ayuu Wargayska Mundo Deportivo sheegayaa in uu aabaha Neymar u sheegay Madaxweynaha Barcelona.

Xiddiga ayaa sidoo kale rumaysan in ayna PSG lahayn mashruuc kubadeed oo xiiso leh.

Kooxda.com ayaa xusaysa in uu Neymar ka tagay kooxda Barcelona xagaagii 2017 isaga oo waliba si muran badna uga tagay kadib markii ay PSG miiska saartay lacag dhan 222 milyan euro.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here