Neymar Oo Kashifay Wixii Uu Lionel Messi U Sheegay Markii Uu Ku Dhex Ooyayay Qolka Labiska Barcelona

Xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda PSG ee Neymar ayaa Kashifay Taladii uu ka helay xiddiga Lionel Messi markii uu ku dhibaatooday in uu wax saamayn ah ku yeesho Barcelona.

Xiddiga reer Brazil ayaa Barcelona ku biiray isaga oo 21 jir ah laakiin ku dhibaatooday in uu wax saamayn ah ku yeesho kooxdii bilowgiisii xirfada La Liga.

Neymar ayaa qirtay in fashilkaas uu keenay in uu kaligiis ku dhex ooyo qolka Labiska.

Laakiin Neymar ayaa amaanay kalmado cajiib ah oo uu ka helay Lionel Messi kuwaas oo ka caawiyay in uu horumariyo qaab ciyaareedkiisa Barcelona.

“Leo waa qof aad u khaas ah gaar ahaan markii aan joogay Barcelona, waxa aan mar walba u sheegaa dadka sheekadan”ayuu Neymar u sheegay Globo TV.

“Wakhti aan u baahnaa taageero waliba si aad ah, xiddiga kooxda, xiddiga ugu fiican adduunka ayaa ii yimid, waxa uu qabtay gacantayda waxana uu ii sheegay in aan naftayda ahaad, in aad faraxsanaado, in aan ahaado isla xiddigii aan ahaa markii aan joogay Santos, in aanan waxba ka cabsan waliba diyaar u yahay in uu i caawiyo”.

“Waxa aan ku dhex ooyay qolka Labiska kadib markii aan ciyaari kari waayay kubada aan jeclaa laakiin markii uu Leo taladaas i siiyay waxa aan noqday mid dareemay daganaan kadib waxa aan noqonay xiddigo”.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here