Neymar Mise Eden Hazard? Thibaut Courtois Oo Sheegay Xiddiga Uu Jecelyahay In Ay Real Madrid U Dhaqaaqdo

0

Goolhayaha kooxda Real Madrid iyo xulka qaranka Belguim ee Thibaut Courtois ayaa shaaca ka qaaday in ay kooxdiisu u baahantahay in ay u dhaqaaqaan saxiixa xiddiga ay isku dalka yihiin ee Eden Hazard una ciyaara kooxda chelsea Laakiin ayna u baahnayn in ay la soo saxiixato xiddiga reer Brazil ee Neymar una ciyaara kooxda PSG.

Thibaut Courtois ayaa sheegay in uu rajaynayo in ay xiddiga ay isku dalka yihiin kula soo biiro Real Madrid laakiin uuna Neymar ku biirin kooxda Los Blancos.

Isaga oo arintaas ka hadlaya ayuu yidhi” Waxa aan dooranayaa Eden Hazard, shaki la,aan aad ayaan u jecelahay, laakiin dookhu waxa uu khuseeyaa kooxda, anigu ma garanayo waxa dhici doona waana go,aanka Madaxweynaha iyo maamulka Real”.

Eden Hazard ayaa si weyn loola xiriirinayaa kooxda Real Madrid isaga oo xitaa xiddigu qirtay in uu diyaar u yahay in uu ku biiro Real Madrid.

Dhanka kale Neymar ayaa lala xiriirinayay Real Madrid wakhti kadib markii uu ka tagay Barcelona kuna biiray kooxda PSG xagaagii 2017.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here