Neymar, Mbappe, Rodriguez & 6-dii Shardi Uu Zindedine Zidane Ku Xidhay Real Madrid

TV-ga El Chiringuito ayaaa kashifay shuruudii uu Zindedine Zidane ku xidhay Real Madrid si uu badal ugu noqdo tababare Santiago Solar.

Zidane ayaa si Rasmi ah tababare ugu noqday kooxda Real Madrid kadib markii uu 10 bilood ka hor ka tagay kooxda Los Blancos.

Sida laga soo xigtay El Chiringuito TV zidane ayaa hor dhigay maamulka Real Madrid 6 shardi oo ay waliba ogolaadeen maamulka kooxdu.

Zidane ayaa isku dayi doona in uu dib u dhis ku sameeyo kooxda Dhamaadka xilli ciyaareedkan iyada oo la filayo in uu xiddigo badan keeno kooxda.

Hadaba halkan Hoose Kaga Bogo Shardiyadii uu Zidane ku xidhay Real Madrid.

1.In Uu Awood buuxda u haysto maamulista Kooxda.

2.In Uu Iska Iibiyo xiddigaha uuna Doonayn waliba keeno kuwa uu doonayo.

3.In Aan la iibin xiddigaha Isco, Iyo Marcelo.

4.In Aanay kooxdu la soo wareegin Neymar.

5.In Ay Kooxdu Si Toos Ah U Iibiso James Rodriquez

6.In Ay Kooxdu La Soo Saxiixato Kylian Mbappe.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here