Neymar, Mbappe, Pogba, Hazard, Kante & Sida Ay Noqon Doonto Shaxda Real Madrid Kadib Soo Laabashadii Zizou

Tababare Zinedine Zidane ayaa ku soo laabtay kooxda Real Madrid taas oo keentay in ay taageerayaasha Real Madrid ku riyoodaan jiilka cusub ee “Galacticos”.

“Galacticos” ayaa ah xiddigaha waaweyn ee ay Real Madrid lacagta badan ka soo bixiso si ay kooxda uga dhigaan kuwa ugu awooda badan yurub.

Zidane ayaa si lama filaan ah ugu soo laabtay kooxda Real Madrid 10 bilood kadib markii isaga tagay kooxda kadib ku guulaysigii champions league 3-aad.

Los Blancos ayaa u dhaqaaqday tababaraha reer France kadib xilli ciyaareed aad u liita oo ay soo qaateen inkasta oo ay laba jeer badaleen tababaraha.

Ka hadhitaankii champions League ee toodbaadkii hore ayaa ku filnaa in ay shaqada ka caydhiyaan Santiago Solari kaas oo 4 bilood hogaaminayay kooxda kadib markii uu shaqada ka badalay Julen Lopetequi.

Haatan Zidane ayaa dib ugu soo laabtay kooxda kadib markii uu Florentino Perez ogolaaday in uu lacag fiican galiyo kooxda suuqa xagaaga.

Kooxda Real Madrid ayaa isku diyaarinaysa in ay si xoogan suuqa u gasho maadama loo balan qaaday tababaraha in ay jiri doonaan xiddigo badan.

Xiddigaha Real lala xiriirinayo ayaa kala ah David De Gea kaas oo ay doonayaan adeegiisa inkasta oo ay la soo saxiixdeen Courtois xagaagii.

Si la mid Real ayaa lala xiriirinayaa xiddigaha Eden Hazard, N’Golo Kante, Christian Eriksen, Neymar, Kylian Mbappe kuwaas oo bartilmaamed u ah kooxda.

Hadaba Wargayska The Sun ayaa shaaciyay sida ay noqon doonto shaxda Real Madrid hadii ay Real Madrid hesho xiddigaha kor ku xusan.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here