Newcastle Oo Guul Darro Xanuun Badan Qoorta U Soo Surtay Man City ,Hadiyad Qaali Ah Ayay Liverpool U Direen

0

Man City ayaa nasiinada ugu dirtay Newcastle hal gool oo nadiif ah kaasi oo yimid 24 il biriqsi ka dib biloowga ciyaarta waxaana saxiixay Aguero

Goolkaas ayaa noqday midka ugu deg deg badan horyalka Ingiriiska ee xilli ciyaareedkaan , waxa uuna Aguero goolkaas uu yahay kiisii 15-aad ka dib 13 kullan oo horyaalka ah oo uu ka hor tagay Newcastle United .

City ayaa aheyd kooxda wacndeyd balse ma gaarsiisneen heerkii lagu yaqiinay mana jirrin halis gillin badan oo ay ku sameeyeen kooxda Newcastle .

Newcastle isku dayo kala duwan ayay sameyenayeen balse waxaa ka dhinnaa dhameystirka iyo in weerarka si sax ah u gaarsiiyaan afka hore ee Man City.

Qeybta labaad, kulanka waxa uu noqday mid deg deg leh waxa ayna Newcastle kubadda la qeybsadeen City waliba waa laga filan karay goolka bar bar dhaca .

City inkastoo Sane dadaal waday hadana goolka bar bar dhaca ayaa lagu helay daqiiqaddii 66-aad waxaana saxiixay Salomon Rondon .

Inkastoo City goolkaas lagu helay hadana kubadda waa ay maamulayeen waliba waxa ay Newcastle isugu geeyeen gooshooda balse kubadda meel ay marsiiyaan ayay waayaan .

Xilli xaalka sidaas ahaa Newcastle-na ay gaarayeen goosha City ayay waxa ay heleen rigoore waxaana daqiiqaddii 80-aad goool u badalay Matt Ritchie

City ka dib goolkaas cadaadis aan kala joogsi laheyn ayay saareen kooxda Newcastle waliba heerka kubad hayashadooda waxa ay gaartay %90 hadana waxaa loogu dhameeyay 2/1 oo hadiyad qaali ah loogu diray Liverpool oo habeen dambe la ciyaareysa Leicester City

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here