Neville & Carragher Oo Sameeyay Saadaalinta Premier League Kadib Markii Ay Man City Garaacday Liverpool.

0

Halyeeyda koxoaha Man United iyo Liverpool ee Gary Neville iyo Jamie Carragher ayaa saadaaliyay kooxda ugu cad-cad ku guulaysiga horyaalka premier league.

Gary Neville ayaa Tottenham ka saaray tartanka loogu jiro Hanashada horyaalka premier league halka uu Carragher rumaysan yahay in ay Man City ugu cad-cadahay ku guulaysiga horyaalka kadib markii ay Liverpool garaacday.

Kooxda difaacanaysa premier League ee City ayaa 4 dhibcood u soo yaraysay dhibcihii ay ka dambaysay kooxda Liverpool kadib markii ay 2/1 uga badisay Khamiistii.

Halyeeyga Liverpool ee Carragher ayaa rumaysan in ay Man City haatan ugu cad-cadahay ku guulaysiga horyaalka premier League.

“Marka aan eego haatan, 4 Dhibcood waxa aan sheegnay tan ilaa bilowgii xilli ciyaareedkan Waxan u malaynayaa in City tahay kooxda ugu fiican Premier League”ayuu u sheegay Sky Sport.

“Waxan u malaynayaa in ay tahay 50/50 ama ay Man City ugu cad-cadahay ku guulaysiga horyaalka”.

Gary Neville oo dhankiisa ka hadlaya ayaa yidhi” Liverpool, Haa Horyaalka ayaa wax walba u ah laakiin Man City way ka badan tahay kaliya horyaalka”.

“Hadii uu Pep Halkan Yimid waliba joogo muddo 5 sano ah wax macno ah ma lahan inta horyaal ee uu ku guulaystay, waxa lagu xukumi doonaa hanshada champipns League, waana waxa ay Man City doonayaan”.

“Waxa ay Liverpool haysataa fursad cajiib ah oo ay ugu guulaysato horyaalka soona afjarto sugitaanka wakhtiga dheer ah”.

“Waxa aan haysanaa laba kooxood oo cajiib ah, labadoodaba waxa saaran cadaadis, laakiin waxa saaran cadaadis kala duwan’.

“Koox sida Liverpool oo kale ah waliba leh taariikh cajiib ah in ayna horyaalka ku guulaysan 25, 26, 27 sano waxana ay haatan haystaan fursada ugu fiican”.

“Ma ahan ku guulayso haatan ama Abid haku guulaysan laakiin ma garan kartid marka ay fursad sidan oo kale ah ku soo mari karto mustaqbalka, ma ogid in kooxaha chelsea, Man United ama Man City ay u tartami doonaan horyaalka xilli ciyaareedka dambe”.

“Laakiin Wakhtigan waa mid ay Liverpool haysato waa in ay ka faa,iidaysato”ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here