Nemanja Vidic Oo Magacaabay Laba Daafac Oo Jooga Man United Oo Ka Fiican Virgil van Dijk, Maku Raacsantahay?

Halyeeyga Kooxda Man United ee Nemanja Vidic ayaa shaaca ka qaaday hadal muran badan dhaliyay oo ku saabsan daafaca Liverpool ee Virgil Van Dijk.

Nemanja Vidic ayaa sheegay in uuna Van Dijk u qaadan lahayn kooxda Liverpool sababta oo ah kama fiicna xiddigaha haatan jooga Old Trafford.

Liverpool ayaa 75 milyan oo euro ka bixisay Daafaca reer Holland waxana uu kooxda ka caawiyay in ay u tartamto horyaalka premier League xilli ciyaareedkan.

Sida haatan la joogo Liverpool ayaa laga dhaliyay kaliya 15 gool 26 kulan oo premier League ah iyaga oo 20 gool ka yar Kuwa laga dhaliyay Man United.

Van Dijk ayaa muhiim u ah daafaca Liverpool laakiin Vidic ayaan ku qanacsanayn in uuna ka fiicnayn xiddigaha Chris Smalling & Phil Jones.

“Guud ahaan marka aan xitaa yidhaahdo Man United may qaadan kulamo xun, marka aad eegto xiddigaha kale kaliya ma ahan daafac Liverpool ama chelsea waxan u malaynayaa in ay naga Daafac fiican yihiin”ayuu Vidic u sheegay Omnisport.

“Van Dijk waxa uu qabanayaa shaqo fiican, waa xiddig awood leh, waa xiddig dheereeeya waxana laga dareemaa joogistiis garoonka”.

“Waa daafac weyn laakiin waxa kaliya ee aan sheegayaa in marka ay kooxdu qabanayso shaqo fiican qof walba waxa uu helaa amaan”.

“Waana sababta aan u aaminsanahay in ay United haysato daafacyo fiican waxan u malaynayaa in ay daafacyadu qaab fiican ku jiraan”.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here