Navas, Ozil & Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Suuqa Kala Iibsiga Kooxda Arsenal

0

Waxa aan haatanba ognahay in la filayo in uu Unai Emery noqon doono tababaraha ugu mashquulsan ee suuqa January ee bishan.

Hadii ay Wararka xanta ah run noqdaan tababaraha Arsenal ayaa u dhaqaaqi doona Daafac dhexe, Xiddig garabka weerarka h iyo xiddig khadka dhexe ah.

Si la mid ah Arsenal ayaa maalmihii ugu dambeeyay lala xiriirinayaa goolhaye cusub kadib khaladaad uu sameeyay goolhaye Bernd Leno.

Hadaba waxa aan halkan ku soo gudbin doonaa wararkii ugu dambeeyay ee suuqa kala iibsiga ee Arsenal ee Maanta.

Keylor Navas Imanaya & David Ospina oo baxaya:

Arsenal ayaa lagu soo waramayaa in ay dalab 14 milyan ah ka gudbisay goolahayaha kooxda Real Madrid ee Keylor Navas.

32 jirka ayaa dhankiisa sii macasalaameeyay taageerayaasha kooxdiisa isaga oo doonaya in uu isaga tago kooxda si uu ugu biiro koox uu joogto ugu ciyaarto.

Wargayska Sport ayaa haatan sheegaya in ay Arsenal si Rasmi ah xiriir ula samaysay Real Madrid una sheegtay xiisaha ay u qabaan goolhayaha.

David Ospina ayaa dhanka kale si Rasmi ah uga tagi doona kooxda isaga oo si buuxda ugu biiri doona Napoli oo uu ku joogay amahaa.

Mesut Ozil Sii Joogi Doona Arsenal:

Xiddiga khadka dhexe ee Mesut Ozil ayaa laga yaabaa in uuna si joogto ah ugu ciyaarin Arsenal xilli ciyaareedkan laakiin xiddiga reer Germany ayaa doonaya in uu dagaalamo.

Wakiilka xiddigan 30 jirka ah ayaa si cad u sheegay in uuna Mesut meelna uga socon Arsenal oo uu dhamaysan doono heshiiskiisa Arsenal.

Alexandre Lacazette Oo Ku Wajahan Horyaalka America ee MLS:

Xiddiga reer France ee Alexandre Lacazette ayaa mustaqbalka ku biiri doona horyaalka America ee MLS.

Tababare Chris Mavinga oo ah tababarihii Lacazette markii uu da,yarka ahaa yaa sheegay in uu xiddigu doonayo in uu ku biiro horyaalka Dalka America mustaqbalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here