NASASHADA KOOXDA: Sadio Mane & Qaabkii Ay Diinta Islaam-ku Uga Hor Istaagi Gaadhay In Uu Noqdo Ciyaaryahan Kubada Cagta Ah

Shaki la,aan Waxa aad daawatay qaab ciyaareedka xiddiga Kooxda Liverpool ee Sadio Mane iyo sida cajiibka ah ee uu u ciyaaro kubada cagta orodkiisa aadka u dheereeya ee uu ku dhaafo xiddigaha ka soo hor jeeda iyo waliba goolasha cajiibka ah ee uu dhaliyo.

Tayadaas ayaa Sadio Mane ka dhigtay mid ka mid ah xiddigaha ugu fiican adduunka, Africa iyo waliba premier League isaga oo kooxdiisa Liverpool u dhaliya goolal badan oo muhiim ah.

Sadio ayaa sidoo kale ah xiddig haysta diinta Islaamka waliba ah xiddig ay ka muuqato in uu muslim yahay iyada oo kulan walba ka hor la arko isaga oo gacamaha isku geeyay si uu ilaahay uga baryo in uu u fududeeyo ciyaarta.

Laakiin waxa aan halkan kuugu soo gudbin doonaa qaabkii ay Diinta Islaamku Mane uga hor istaagi gaadhay in uu noqdo ciyaaryahan kubada cagta ah.

Waalida dhalay Sadio Mane ayaa ah waalid muslim ah waliba si aad ah ugu dhagan diinta islaamka xiddigana ku soo koriyay kuna soo bar-baariyay diinta Islaam-ka.

Xiddiga reer Senegal ayaa yaraantiisii doonayay in uu noqdo ciyaar yahan laakiin waalidkii ayaa ka soo hor jeeday arintaas iyaga oo doonayay in uu barto diinta Islaam-ka waliba dadka baro una go,o diinta Islaam-ka.

Waalidka Sadio Mane ayaa aaminsanaa in ay kubada cagta xaaraam ka tahay dadka Islaam-ka ah sidaas darteed ay doonayeen in uu barto diinta islaam-ka iskna daayo kubada cagta.

Ugu dambayn markii uu waynaaday gaadhayna 15 sano jir ayuu xiddigu waalidkii ku qanciyay in uu noqdo ciyaaryahan kubada cagta ah isaga oo aaday caasimada dalka Senegal halkaas oo uu ka bilaabay xirfadiisa ciyaaraha kubada cagta kuna biiray dugsiyo kubada cagta ah.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here