NASASHADA KOOXDA: Mohamed Salah & Qaabkii Uu Booska Garabka Weerarku Sabab Ugu Noqday In Uu Ku Dhex Ooyo Garoonka

Waxa xaqiiqo ah in aad maqashay Mohamed Salah waana mid ka mid ah xiddigaha ugu fiican wakhti xaadirkan kubada cagta tan ilaa markii uu ku soo biiray kooxda Liverpool.

Salah ayaa haybad u leh orod badan, farsamo cajiib ah iyo waliba in uu dhaliyo goolal badan hadii ay noqoto xulka qarankiisa ama kooxdiisa Liverpool.

Laakiin waxa aanad ogayn in uu Mohamed Salah ku soo dhibaatooday sidii uu u gaadhi lahaa heerka uu maata kaga jiro kubada cagta adduunka.

Hadaba waxa aan halka ku soo bandhigi doonaa hal arin oo Mohamed Salah ka oohisay xilli ay saaxiibadiisa kale u dabaal degayeen gool ay dhaliyeen.

Mohamed Salah ayaa kubada cagta ka bilaabay koox yar oo lagu magacaabo El Mokawloon kana dhisan dalkiisa Hooyo Ee Masar, inkasta oo uuna u ciyaarin koox weyn hadana taas ayaan ka hor istaagin in uu Mohamed salah matalo xulka qarankiisa Masar oo uu soo matalay tan ilaa yaraantiisii.

Arinta Mohamed Salah ka hor istaagtay in uu si deg-deg ah u shaac boxo oo adduunka laga barto ayaa ah in uu ka bilaabay kubada cagta ka ciyaarista garabka Weerarka sababta oo ah waxa aad u awood badan lugtiisa bidix taas oo aan gabi ahaan cajibin.

Kulan ka mid ah kulamadii ay kooxdiisu ciyaaraysay ayay ku badisay 4/0 xilli ays aaxiibadiisa kooxdu u dabaal dagayeen goolasha Salah ayaa kaligiis meel iska istaagay kadib oohin iska qabsaday garoonka dhexediisa.

Waxana u yimid tababarihiisii isaga oo waydiiyay waxa ku dhacay waxana uu salah u sheegay in uu u ooyayo in uuna wax gool ah dhalin.

Tababaraha ayaa wixii intaas ka dambeeyay Mohamed Salah ku tijaabiyay weerarka tooska ah waxana uu ku muujiyaya woodiisa isaga oo dhaliyay goolal badan isaga oo isticmaalaya orodkiisa dheer iyo waliba farsamadiisa cajiib ah.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here