NASASHADA KOOXDA: 5 Rikoodh Oo Uu Cristiano Ronaldo Dhigay Oo Ay Adagtahay In Uu Lionel Messi Jabiyo Abid

Waxa aan warbixintii hore idiinku soo bandhignay 5 rikoodh oo uu dhigay xiddiga kooxda Barcelona ee Lionel Messi oo uuna abid jabin karin xiddiga ay sida weyn u xafiiltamaan ee Cristiano Ronaldo.

Hadaba waxa aan warbixintan ku soo bandhigi doonaa 5-ta rikoodh ee uu dhiga kooxda Juventus ee Cristiano Ronaldo ee uuna dhankiisa Abid jabin karin xiddiga Lionel Messi.

1.60 Gool iyo Wax Kabdan Oo 4 Sano Oo Xiriir Ah:

Xiddiga kooxda Juventus ee Cristiano Ronaldo ayaa ah xiddiga kaliya ee taariikhda kubada cagta kaas oo dhaliyay 60 gool iyo wax ka badan 4 sano oo xiriir ah intii u dhexaysay 2011 ilaa 2014.

Ronaldo ayaa sanadkii 2011 dhaliyay 60 gool halka uu 2012 dhaliyay 63 gool, si la mid ah 2013 dhaliyay 69 gool iyo 2014 oo uu dhaliyay 61 gool.

Dhanka kale Lionel Messi ayaa rikoodhkaas sameeyay 2 mar oo kaliya isaga oo dhaliyay 2 sano oo kal fog isaga oo sanadkii 2010 dhaliyay 60 gool halka uu sanadkii 2012 dhaliyay 91 gool.

2.Xiddiga ugu deg-deg badan ee gaadhay 300 oo Gool Horyaalka La Liga:

Kadib Markii uu Cristiano Ronaldo ku soo biiray Real Madrid sanadkii 2009 Waxa uu isku rogay mishiin Gool dhalin oo aan joogsan sanadba sanadka ka dambeeya ilaa intii uu ka dhigay rikoodh taariikhi ah oo khaas u ah xilli ciyaareedkii hore isaga oo noqday xiddiga ugu deg-deg badan ee taariikhda kubada cagta Horyaalka la Liga dhaliya 300 oo Gool.

Cristiano ayaa u baahday kaliya 285 kulan si uu rikoodhkaas taariikhiga ah uga dhigo horyaalka La Liga laakiin Lionel Messi ayaa rikoodhkaas gaadhay xilli ciyaareedkii 2015/2016 laakiin Xiddiga reer Argentine ayay ku qaadatay kulamo ka badan kuwa Ronaldo in uu ku gaadho 300 oo gool isaga oo u baahday 334 kulan si uu u gaadho rikoodhaas isaga oo 49 kulan ka badan Cristiano Ronaldo.

3.50 Gool iyo Wax Ka Badan 6 Xilli Ciyaareed Oo Xiriir Ah:

Waa Rikoodh kale oo cajiib ah oo uu Cristaino Ronaldo kaga yaabsaday adduunka kubada cagta isaga oo dhaliyay 50 gool iyo wax ka badan 6 xilli ciyaareed oo xiriir ah tartamada oo dhan.

Ronaldo ayaa dhaliyay 53 gool xilli ciyaareedkii 2010/2011 isaga oo 60 gool raaciyay xilli ciyaareedkii ku xigay, Xilli ciyaareedkii 2012/2013 Waxa uu dhaliyay 55 gool halka uu 2013/2014 dhaliyay 51 gool, xilli ciyaareedkii 2014/2015 ayy dhaliyay 61 gool halka uu xilli ciyaareedkii 2015/2016 dhaliyay 51 gool.

Dhanka kale Lionel Messi ayaa 3 sano oo kaliya si xiriir ah u dhaliyay 60 gool iyo wax ka badan intii u dhexaysay 2010 ilaa 2013.

4.Ku Guulaysiga Abaalmarinaha shaqsiga ah Iyo Waliba jamaaciga ah ee laba kooxood oo Kala Duwan:

Cristiano Ronaldo ayaa koobab ugu badan ee jamaaciga ah ee suurtagalka ah kula guulaystay kooxaha Real Madrid iyo Man United.

Koobabka jamaaciga ah Ronaldo ayaa ku guulaystay horyaalka, Champions Legaue, Koobabka maxaliga ah, UEFA Super Cup iyo waliba Club World Cup.

Dhanka abaalmarinaha shaqsiga ah Ronaldo ayaa ku guulaystay Abaalmarinta Ballon dor-ka, The Best, Kabta Dahabka ah iyo xiddiga ugu fiican horyaalka waxana uu abaalmarinahaas kala duwan Ronaldo kula guulaystay kooxo kala duwan.

Lionel Messi ayaana abaalmarinahaas kaliya kula guulaystay kooxda Barcelona umana muuqato in uu Messi Ronaldo kula tartmi doono rikoodhkaas ama jabin doono maadama uu horay u qirtay in uu doonayo in uu ciyaaraha ku dhamaysto Barcelona.

5.Rikoodhada Tatramada Yurub:

Cristiano Ronaldo ayaa ah xiddiga ugu goolasha badan taariikhda tartanka champions League isaga oo dhaliyay 121 gool laakiin Messi ayaa Ronaldo ku baacsan kara rikoodhkaas marka loo eego in uu dhaliyay 106 gool.

Laakiin Ronaldo ayaa leh rikoodh ay adagtahay in uu Lionel Messi jabiyo ahna champions League oo ah in uu dhaliyay 10 gool iyo wax ka badan oo uu dhaliyay 7 xilli ciyaareed oo xiriir ah intii u dhexaysay 2011 ilaa 2017.

Dhanka kale Lionel Messi ayaa rikoodhkaas sameeyay kaliya 2 xilli ciyaareed oo xiriir ah kuwaas oo kala ah 2010/2011 iyo 2011/2012.

Sidoo kale Cristaino Ronaldo ayaa haysta rikoodhka xiddiga ugu goolasha badan champions League xilli ciyaareedka kaliya isaga oo dhaliyay 17 gool xilli ciyaareedkii 2013/2014.

Lionel Messi ayaa wali jabin la, rikoodhkaas isaga oo markii uu ugu dhawaaday dhaliyay 14 gool xilli ciyaareedkii 2011/2012.

Waxa intaas sii dheer in uu Cristiano yahay xiddiga kaliya ee gool dhaliyay dhamaan wareega Group-yada tartanka champions League isaga oo sidaas sameeyay 2017/2018.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here