Nacho Monreal Mise Alberto? Barcelona Oo Kala Dooran Doonta Midka Ay U Dhaqaaqi Doonaan Labada Xiddig Xagaaga

0

Kooxda Barcelona ayaa isha ku haysa in ay u dhaqaaqdo midkood xiddiga daafaca uga ciyaara Arsenal ee Nacho Monreal iyo xiddiga kooxda Liverpool ee Alberto Moreno sida ay sheegayaan wararku.

Barcelona ayaa kaliya haysata Jordi Alba xiddig daafaca Bidix uga ciyaara waxana ay doonaysaa xiddig ay ku Nasiso xidiga reer Spain.

Labada xiddig ee ka ciyaara premier League ayuu heshiiskooda kooxaha Liverpool iyo Arsenal dhici doona xagaaga dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Wargayska Sport ayaa sheegaya in ay Barcelona doonayso in ay la soo saxiixato xiddig khibrad fiican leh waliba xor ah iyada oo diyaar u ah in ay ka saxiixato heshiis 2 sano ah.

Sidoo kale waxa ay doonayaan in ay amaah ku diraan xiddiga Miranad waliba iska iibiyaan xiddiga Marc Cucurella oo daafaca bidix uga ciyaara Da,yarka Barcelona.

Xiddigii hore ee kooxda chelsea haatana u ciyaara Atletico Madrid ee Filipe Luis ayaa sidoo kale ah dookh ay Barcelona isha ku hayso.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here