Naby Keita & Roberto Firmino Oo Liverpool Ku Hogaamiyay Guul Ay Ka Gaadheen Fc Porto Xilli Ay Reds Inta Badan Maamulaysay Kulanka

Kooxda Liverpool ayaa guul ay u qalantay ka gaadhay kooxda Fc Porto kulan ka dhacay Anfield kana tirsanaa lugta 1-aad ee 8 dhmaaadka tartarnka champions League.

Reds ayaa si cajiib ah ku bilaabatay ciyaarta iyaga oo daqiiqadii 5-aad iyaga oo uu goolka u dhaliyay xiddiga khadka dhexe ee Naby Keita kaas oo hogaanka u dhiibay kooxdiisa ciyaartana ka dhigay 1/0.

Kooxda Liverpool ayaa samaysay fursado cajiib ah oo ay ka dhalin kartay goolal kale laakiin Nasiib xumo waxa ay ku fashilmeen in ay soo taabtaan shabaqa kooxd Fc Porto.

Liverpool ayaa sii dheeraysatay hogaanka ciyaarta iyaga oo uu daqiiqadii 26-aad gool u dhaliyay xiddiga Roberto Firmino kaas oo ciyaarta ka dhigay 2/0 ay Reds ku hogaaminayso ciyaarta.

Waxa sidaas ku dhamaatay Qaybtii hore ee ciyaarta oo ay Liverpool 2/0 ku hogaaminayso waliba soo bandhigtay qaab ciyaareed cajiib ah dhalin kartayna goolal intaas ka badan.

Qaybtii dambe ayay Liverpool sidii qaybtii hore ahayd kooxda awooda badan halka ay Porto samaysay fursado aad u yar oo ay goolal kaga dhalin kartay kooxda Liverpool.

Laakiin waxa ay awood u yeelan waayeen in ay wax gool ah ka dhaliyaan Labada Kooxoodba qaybtii dambe ee ciyaarta inkasta oo ay labada koooxoodba sameeyeen fursado fiican.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay Liverpool ku gaadhay guul 2/0 ah hal lugna la sii gashay Semi-finalka tartanka champions League sidoo kale Porto ku booqan doonta garoonkeeda.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here