Naby Keita Oo Shaaca Ka Qaaday Qaabka Uu Timo Werner Ugu Qancinayo In Uu Ku Soo Biiro Liverpool

Xiddiga khadka dhexe uga ciyaara kooxda Liverpool ee Naby Keita ayaa shaaca ka qaaday doorka uu ka qaadanayo in uu xiddiga kooxda RB Leipzig ee Timo Werner ku soo biiro kooxda Liverpool.

Naby Keita ayaa sheegay in uu diyaar u yahay in uu xiddigii hore ee ay isku kooxda ahaayeen ee Timo Werner ku qanciyo in uu ku soo biiro kooxda Liverpool xagaaga.

Werner oo 22 jir weerarka ka ciyaara ayaa lala xiriirinayay kooxda Liverpool ilaa suuqii xagaaga ee hore.

Reds ayaa xiddiga u doonaysa in ay weerarka tooska ah kula tartansiiso xiddiga Roberto Firmino marka la gaadho suuqa xagaaga.

Keita oo la hadlaya wargayska Sport Bild ayaa yidhi”Waxa aan run ahaantii si fiican isaga garab ciyaarnay Leipzig waxana uu ahaa saaxiibkayga ugu dhaw”.

“Waxa iska cad in uu doonayo is badal waxana aan waydiin doonaa in uu igula soo biiro Liverpool”ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here