Naby Keita Oo Hanjabaad U Diray Chelsea Ka Hor Kulanka Ay Anfield Kula Ciyaari Doonaan Liverpool

Xiddiga khadka dhexe uga ciyaara kooxda Liverpool ee Naby Keita ayaa Caga juglayn Hawada u mariyay kooxda Chelsea ka hor kulankooda muhiimka ah ee ay Axada la ciyaari doonaan kana dhici doona Anfield kulan ka tirsan todobaadkii 34-aad ee premier League.

Naby Keita ayaa sheegay in ay wax walba u samayn doonaan sidii ay guul uga gaadhi lahaayeen kooxda chelsea kulanka Axada ee ka dhici doona Anfield kana tirsan premier League.

Keita oo arintaas ka hadlaya ayaa yidhi” Chelsea waa koox weyn, koox fiican, koox ciyaarta kubad qurux badan oo waliba qaab fiican ku jirta laakiin waxa aan ku ciyaaraynaa garoonkeena”.

“Waxa aan soo bandhigin doonaa wax walba oo ay nagu qaadato sidii aan u gaadhi lahayn guul kulankan, mana noqon doonto mid fudud laakiin waa dadaali doonaa”.

“Diirada ayaan saari doonaa mana yaraysan doono koox kasta sababta oo ah koox kasta way adag tahay waxana ay doonayaan in ay guul gaadhaan”.

Liverpool ayaa kulanka soo galaysa iyaga oo doonaya in ay sii wadaan tartanka ay hanashada horyaalka premier League xilli ciyaareedkan xilli ay haatan hogaaminayaan tartanka.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here