Nabil Fekir Oo Loo Soo Bandhigay Kooxda Real Madrid & Los Blancos Oo Iska Diiday, Sabab

Suuqa Kala iibsiga Bisha January ayaa haatanba bilaabanaya waxana ay ay koox walba isku diyaarinaysaa sidii ay xiddigo cusub kooxdeeda ugu soo dari lahayd.

Waxa soo baxay warar kooxda Real Madrid la xiriirinaya saxiixa xiddiga khadka dhexe uga ciyaara kooxda Lyon ee Nabil Fiker.

25 jirkan khadka dhexe ayaa sidoo kale xagaagii lala xiriirinayay kooxda ku ciyaarta Santiago Bernabeu laakiin heshiiska ayaan dhicin.

Xiddigan ayuu heshiiskiisa kooxda Lyon dhici doonaa xagaaga 2020 waxana uu xiddigu diiday in uu heshiis cusub u saxiixo kooxdiisa taas oo keentay in ay maamulka Lyon xiddiga u soo bandhigeen adeega xiddiga.

Si kasta ha ahaatee maamulka Los Blancos ayaan wax xiiso ah u qabin saxiixa xiddiga maadama ay xooga saarayaan soo xero galinta xiddiga khadka dhexe uga ciyaara kooxda River Plate ee Exequiel Palacios.

Sidoo kale xiddiga da,yarka ah ee Rodrygo ayaa xagaaga dambe kooxda kaga soo biiri doona kooxda Santos halka ay sidoo kale haystaan xiddiga Vinicius Junior taas oo sabab u ah in ayna Real Madrid wax xiiso ah u qabin saxiixa xiddiga.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here