Nabil Fekir Oo Haatanba Doortay Kooxda Uu Ku Biiri Doono Xagaaga, Xitaa Kooxdaas Darteed Ayuu Wakiilkiisii U Caydhiyay.

0

Xiddiga khadka dhexe uga ciyaara kooxda Lyon iyo xulka qaranka France ee Nabil Fekir ayaa lagu soo waramayaa in uu haatanba doortay kooxda uu doonayo in uu ku biiro suuqa kala iibsiga xagaaga ee dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Nabil Fekir ayaa lagu soo waramayaa in uu doortay in uu ku biiro kooxda Liverpool marka la gaadho suuqa xagaaga isaga oo waliba si ay arintaas u dhacdo shaqada ka caydhiyay wakiilkii dhamaystiri waayay heshiiskii uu ugu dhawaaday in uu ugu biiro Liverpool.

Xiddiga koobka adduunka kula guulaystay xulka qaranka France ee Fekir ayaa si aad ah ugu dhawaaday in uu ku biiro kooxda ku ciyaarta Anfield suuqii xagaaga ka hor inta uuna heshiisku bur-burin.

Taas ayaa keentay khilaaf soo kala dhex galay isaga iyo wakiilkiisa isaga oo ugu dambayn shaqada ka caydhiyay wakiilkiisa sabtidii la soo saaray.

Haatan wargayska Mirror ayaa sheegaya in uu xiddigu muhiimadiisa 1-aad ka dhigtay in uu ku biiro kooxda Liverpool isaga oo iska diidi doona kooxaha Real Madrid iyo chelsea oo doonaya adeegiisa.

Fekir ayaa si aad ah ugu dhawaaday in uu noqdo xiddig Liverpool ah iyada o ay xitaa wararku sheegayaan in uu ogolaaday in uu qalinka ku duugo heshiis 5 sano ah oo uu todobaadkii ku qaadanayo 130 kun oo Gini oo mushahar ah.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here