Muxuu Virgil Van Dijk Ugu Qaylinayay Xiddiga Andy Robertson Kadib Guushii Bayern Munich

0

Xiddiga daafaca uga ciyaara kooxda Liverpool ee Virgil van Dijk ayaa u muuqday mid ku qaylinayay xiddiga daafaca uga ciyaara Liverpool ee Andy Robertson intii lagu jiray kulankii ay guusha ka gaadheen Bayern Munich.

Xiddiga reer Holland ayaa dhaliyay goolka kulankii ay Bayern Munich 3/1 uga badisay kooxda reer Germany xilli ay iska xaadiriyeen 8 dhamaadka champions League.

Liverpool ayaa ka mid ah kooxaha ugu adag ee gaadhay 8 dhamaadka laakiin waxa ay waayi doonaan adeega daafaca Andy Robertson lugta 1-aad ee 8 dhamaadka.

Xiddiga reer Scotland ayaa loo taagay kaadhka digniinta ah daqiiqadihii ugu dambeeyay isaga oo sidaas ku seegi doona kulanka.

Ciyaarta kadib ayuu  Van Dijk hoos u dhigay warka xun ee kaadhka digniinta ah isaga oo u sheegay BT Sport” Haa way dhacdaa kubada cagta waana arin nasiib xumo ah.

“Waxa aan u baahanahay in aanu buuxino waxana aan haysanaa xiddigo tayo leh”.

Si kasta ha ahaatee Van Dijk ayaa la arkay isaga oo ku qalinaya xiddiga ay isku kooxda yihiin isaga oo u sheegayay kalmado ay u muuqatay” Maxaad samaynaysaa”.

Laakiin Waxa ay u muuqataa in uu Van Dijk xiddiga Andy Robertson u sheegayay sababta uuna guusha ugu dabaal degayn isaga oo sheegay in ay tahay in uu faraxo maadama ay Reds wareega xiga u gudubtay.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here