Muxuu Paul Pogba Sameeyay Kadib Dhamaadkii Kulankii Everton, Taageerayaasha Ayaa Ka Xanaaqay

0

Taageerayaasha Man nited ayaa ka cabsi qaba in xiriirkii ay la laaheeyn xiddiga khadka dhexe ee Paul Pogba uu gabi ahaan bur-buray waliba aan dib loo sixi karin.

Xiddiga koobka adduunka kula guulaystay Xulka France ayaa ka xanaajiyay taageerayaasha kadib markii uu iska diiday in uu raali galiyo kadib guuldaradii 4/0 ahayd ee ka soo gaadhay Everton.

Xiddigaha Kooxda ayaa lagu amray in ay hor tagaan taageerayaasha xiddigaha una sacabiyaan gaar ahaan in uu kulanku ahaa mid ay marti ahaayeen.

Xiddigaha iyo waliba shaqaalaha tababarka Man United ayaa dhamaantood wada tagay una sacabiyay kana raali galiyay qaab ciyaareedka Liitay laakii Pogba ayaan samayn.

Xiddiga ayaa iska indha tiray amarkii tababaraha Ole Gunnar Solskjaer isaga oo si toos ah uga baxay garoonka qolka Labiskana galay xilli ay kooxda intooda kale u sacabinayaan taageerayaasha.

Taas ayaa ka xanaajisay taageerayaasha kooxda iyaga oo dalbaday in haatanba laga iibiyo kooxda Real Madrid oo uu xiiso ka helayo ka hor furitaanka suuqa kala iibsiga.

Guuldaradii soo gaadhay United ayaa dhirbaaxo ku noqotay rajadeedii u soo bixitaanka champions League marka loo eego in ay labada kulan ee soo socda la ciyaari doonaan Man City iyo Chelsea.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here