Muxuu Paul Pogba Ka Yidhi Wararka La Xiriirinaya Real Madrid?

0

Xiddiga khadka dhexe ee kooxda Man United ee Paul Pogba ayaa wax laga waydiiyay wararka la xiriirinaya kooxda Real Madrid marka la gaadhso suuqa xagaaga kadib kulankii ay Man United guuldarada kala kulantay kooxda Barcelona.

Paul Pogba ayaa ka fogaaday su,aal laga waydiiyay ku biirista kooxda Real Madrid kadib dhamaadkii ciyaartii ay Man United guuldarada kala kulantay Barcelona Xalay.

Luke Shaw ayaa iska dhaliyay goolka kaliya ee kulanka kooxda Barcelona guusha ku gaadhay ka hor inta ayna todobaadka dambe booqan garoonka Camp Nou lugta 2-aad ee tartanka.

Dhanka kale Paul Pogba ayaa si weyn loola xiriirinayay kooxda Real Madrid wakhtigii ugu dambeeyay xilli ay Los Blancos doonayso in ay khadka dhexe ku buuxiso xiddiga koobka adduunka ku guulaystay.

Pogba ayaa wax laga waydiiyay in uu Jecelaan lahaa in uu Clasico ka hor tago Barcelona waxana uu ku jawaabay” Haa Marka aad ka hor tagto Barcelona champions League mar walba way fiicantahay in aad ka hor tagto Barcelona, waa wax uu xiddig walba ku riyoodo”.

Xiddiga ayaa su,aal toos ah laga waydiiyay wararka la xiriirinaya kooxda Real Madrid waxana uu ku jawaabay isaga oo dhoola cadeeyay” Kama Jawaabi karo taas”.

“Waxa aan kaliya ka hadli karaa kulanka, maya wax kale”

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here