Muxuu ka yiri tababare Unai Emery guushii ay xalay ka gaareen kooxda Newcastle United???

Tababaraha kooxda Arsenal ee Unai Emery ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay guushii 2-0 ahayd ay kaga gaareen Newcastle United, kulan ka tirsanaa kulamada 32-aad ee horyaalka Premier League ah.

Unai Emery oo ciyaarta kadib la hadlayay saxaafada ayaa u sheegay BBC-da:

“Waxaan si joogta ah u ciyaarnay inta ay dheesha socotay, mana iska luminin fursad kasta ee nasoo martay, waxaan xakameynay ciyaarta, waana ku faraxsanahay”.

“Kulan kasta waa mid aad u adag, maanta waxaan ku guuleysanay inaan gacanta ku dhigno seddexda dhibcood”.

“Waa loolan cusub inaan guul gaarno kulamo xiriir ah, waa taariikh cusub, waxaan abuurnay jawi aad u weyn”.

“Waxaan ku jirnaa xilli fiican, laakiin kulan walba waa tijaabo cusub, waxaan rajeynayaa in dhaawaca Aaron Ramsey uusan noqonin mid halis ah, dhakhtarka wuxuu u maleynayaa inuu yahay dhaawac fudud”.

“Waan sii fiicnaaneynaa, maanta waxaan gaarnay booska saddexaad ee dhanka kala sareynta, laakiin kulanka soo aadan ee aan la ciyaari doono Everton wuxuu noqon doonaa mid aad u adag”.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here