Muxuu Jose Mourinho Ka Yidhi Cristiano Ronaldo Markii Uu Ku Guulaystay Ballon d’Or Sanadkii 2008?

Tababarihii hore ee kooxda Man United ee jose Mourinho ayaan rumaysnayn in uu Cristiano Ronaldo ahaa xiddigii ugu fiicanaa adduunka markii uu ku guulaystay abaalmarinta Ballon d’Or-ka sanadkii 2008.

Ronaldo ayaa wakhtigaas kooxda Man United kula guulaystay horyaalka premier League iyo waliba champions League oo uu markii ugu horaysay ku guulaystay.

Kadib waxa lagu abaalmariyay abaalmarinta Ballon d’Or-ka markii ugu horaysay ka hor inta uuna 4 jeer oo kale kuu guulaysan abaalmarinta.

Inkasta oo uu Mourinho ku faraxsanaa talaabada uu qaaday xiddigu hadana muu rumaysanayn in uu u qalmay abaalmarintii la siiyay maadama uuna tababaraha reer Portugal aaminsanayn in uu ahaa xiddiga ugu fiican adduunka wakhtigaas.

“Ronaldo waa xiddig faiican laakiin shaki la,aan ah ahan midka ugu fiican adduunka”ayuu Mourinho yidhi.

“Waxa uu u qalmay in uu ku guulaysto kabta dahabka ah sababta oo ah kooxdiisa ayaa ku guulaystay champions League iyo Premier League laakiin aniga ahaan Ibrahimovic ayaa ahaa midka ugu fiican adduunka”.

Mourinho ayaa wakhtigaas hogaaminayay kooxda Inter Milan waxana uu tababare u ahaa Ibrahimovic taas oo ay sabab u tahay in uu ula doonayay Ibrahimovic.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here