Muxuu David De Gea Ku Yidhi Xiddigaha Man United Kadib Kulankii Barcelona?

Goolhayaha Kooxda Man United ee David De Gea ayaa sameeyay khalad sabab u noqday in uu Lionel Messi dhaliyo goolkii 2-aad ee kooxda Barcelona kadib markii ay kubadu ka hoos baxday kadib markii uu isku dayay in uu qabto.

David De Gea ayaa soo qaatay habeen uu iloobo isaga oo sabab u noqday in ay Barcelona iska xadirirso Semi-finalka champions League waliba sabab u noqday in ay Man United ka hadho tartanka.

Man United ayaa ciyaarta ku bilaabatay si fiican iyada oo xiddiga Marcus Rashford birta ku dhuftay kubada daqiiqadihii ugu horeeyay laakiin Laba gool oo uu Lionel Messi 5 daqiiqo gudohood ku dhaliyay ayaa gabi ahaan ciyaarta dilay.

Sida laga soo xigtay wargayska The Sun, De Gea ayaa si weyn ugu xanaaqsanaa naftiisa kadib khaladkii uu sameeyay waxana uu raali galin weyn siiyay xiddigaha kooxda markii ay galeen qolka labiska ciyaarta kadib.

Goolhayaha reer Spain ayaa xitaa u sheegay in ay dareensanaayeen in ay guul gaadhi kareen kulanka hadii uuna khaladkaas samayn maadama ay kaliya 2 gool u baahnaayeen markii uu Lionel Messi goolka 1-aad dhaliyay.

David De Gea ayaa la kulmay dhaleecayn xoogan oo uga timid halyeeygo, taageerayaasha iyo waliba khabiiro badan oo kubada cagta ah.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here