Muxuu Antonio Rudiger U Sheegay Taageerihii Uu Muranka La Galay Kadib Guuldaradii Man City.

0

Daafaca kooxda Chelsea ee Antonio Rudiger ayaa dagaal la galay mid ka mid ah taageerayaasha kooxda Chelsea kadib kulankii ay guuldarada 6/0 ah kala kulmeen kooxda Man City.

Kooxda Maurizio Sarri ayaa guuldaro 6/0 ah kala kulmay Man City kulan ka dhacay Etihad iyada oo 25-kii daqiiqo ee ugu horeeyay laga dhaliyay 4 gool.

Ciyaarta kadib Rudiger ayaa ka mid ahaa xiddigo tiro yar oo chelsea ah kuwaas oo hor tagay taageerayaasha si ay uga raali galiyaan ceebta soo gaadhay.

Si kasta ha ahaatee Taageere ayaan la dhicin wixii uu Rudiger sameeyay isaga oo xiddiga aflagaadeeyay waliba ceeb ku tilmaamay qaab ciyaareedkiisa.

Wargayska Football London ayaa sheegay in uu Rudiger ku yidhi taageeraha” waxa aan halkan u imid in aan idin raali galiyo waliba hortiina u soo istaagay si aad iigu tidhaahdaan waxa aad doonaysaan”.

Xiddigii hore ee kooxda Roma ayaa ilaalada garoonka ka codsaday in uu ka talaabsado qalabka xayaysiiska si uu ugu dhawaado taageeraha.

Rudiger ayaa ugu dambayn taageero da,yar ah siiyay maaliyadiisa kadib si toos ah u aaday qolka Labiska oo uu kula biiray xiddigaha intooda kale.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here