Mushaharka Todobaadlaha Ah Ee Xiddigaha Arsenal Oo La Ogaaday, Ozil Ayaa Kaligiis Jeebka Ku Shubta Ku Dhawaad Mushaharka Laba Xiddig

0

Xiddiga khadka dhexe uga ciyaara kooxda Arsenal ee Mesut Ozil ayaa ah hadal haynta ugu badan premier League gaar ahaan magaalada London gaar ahaan kooxda Arsenal.

Xiddiga reer Germany ayaa suuqii January ee sanadkii 2018 qalinka ku duugay heshiis cusub oo uu ku noqday xiddiga ugu mushaharka badan kooxda.

Laakiin 31 jirka reer Germany ayaa xilli ciyaareedkan ku dhibaatooday in uu boos ka helo kooxda Arsenal isaga oo aan Gunners u ciyaarin kulamadii ugu dambeeyay.

Tababare Emery ayaa qirtay kulankii West Ham in uu haysto xiddigo ka fiican xiddiga reer Germany isaga oo ka reebay kulankaas.

Ozil ayaa todobaadkii u xaadira lacag dhan 300 kun oo Gini todobaadkii isaga oo 120 kun oo Gini ka badan xiddiga ugu soo xiga oo ah Aubameyang.

Arinta la yaabka ah ayaa ah in Mesut Ozil kaligiis uu ku dhaw yahay isku darka mushaharka ay qaataan xiddigaha Aubameynag iyo Lacazette.

Halkan Hoose Kaga bogo Mushaharka todobaadlaha ah ee xiddigaha kooxda Arsenal:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here