Muruq Weynta Premier League Oo Isku Baacsanaya Xiddig Wacdaro Ka Dhigaya Ajax

0

Xiddiga garabka uga ciyaara kooxda Ajax ee Hakim Ziyech ayaa ku soo wajahan premier League xilli xiddiga reer Morocco lagu heli karo 25 milyan oo euro.

26 jirkan ayay daawadeen qaab ciyaareedkiisa Hogaamiyayaasha Horyaalka premier League Ee Man City, Man United, Arsenal iyo waliba kooxda Liverpooll si la mid ah kooxda Bayern Munich.

Ziyech ayaa ku raaxaystay qaab ciyaareedka cajiib ah xilli ciyaareedkan isaga oo 19 gool u dhaliyay Ajax 20 kalena caawiye ka noqday kooxdiisa.

Xiddiga ayaa kooxda Ajax ka caawiyay in ay hogaanka u hayso horyaalka Holland sidoo kale gaadhsiiyay Semi-finalka tartanka champions League oo ay la ciyaari Doonaan Tottenham kadib markii ay soo dhaafeen Real Madrid iyo Juventus.

Ziyech ayaa kooxda Ajax kula jira heshiis ilaa 2021 ah isaga oo kaga soo biiray kooxda reer Holland ee FC Twente waxana lagu iibsan karaa kaliya 25 milyan oo euro oo ah lacag aad u jaban.

Man City ayaa xiddigan u doonaysa badalka Gundogan oo bishii hore qirtay in uu ka tagi doono kooxda Man City si uu tartan cusub u ciyaaro xilli ciyaareedka dambe.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here