Murizio Sarri Oo Wadahadalo Nabadayn Ah La Qaatay Xiddigaha Kooxdiisa Ka Hor Kulanka Tottenham

Tababaraha Kooxda chelsea ee Mauirizio Sarri ayaa lagu soo waramayaa in uu wadahadalo Nabadayn ah la qaatay xiddigaha kooxdiisa Isniintii kadib guuldaradii ka soo gaadhay Arsenal Sabtidii.

Sarri ayaa weerar aan caadi ahayn ku qaaday xiddigaha kooxdiisa kadib guuldaradii 2/0 ahayd ee ka soo gaadhay kooxda Emirates.

Xanaaq dartiis ayuu Sarri doortay in uu ku hadlo luuqada Talyaaniga si uu weerar iyo digniin ugu diro xiddigaha kooxdiisa isaga oo su,aal ka keenay rabitaanka xiddigaha kooxdiisa.

Si kasta ha ahaatee ka hor kulanka Semi-finalka lugta 2-aad ee ay la ciyaari doonaan kooxda Tottenham Sarri ayaa dajiyay xaalka isaga oo shir kula qaatay xiddigaha kooxdiisa sida laga soo xigtay The Times.

Waxa la sheegayaa in ay xiddigaha Chelsea si weyn uga xanaaqsan yihiin in Eden Hazard laga ciyaarsiiyo weerarka tooska ah xilli uu Olivier Giroud kaydka fadhiyo.

Laakiin wararka ayaa sheegaya in uu tababaraha reer Italy wali haysto taageerada qolka Labiska xilli ay blues doonayso in ay sii wado dagaalka.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here