Mudaharaad: Xiddigaha Chelsea Oo Tababare Maurizio Sarri U Sheegay In Uun Halkan Xiddig Ciyaarsiin Kulamada Kooxda, Sabab

Qolka Labiska kooxda Chelsea ayuu soo food saaray mad-madaw badan kadib guuldaradii lama filaanka ahayd ee weynayd ee ka soo gaadhay kooxda Bournemouth bartamihii todobaadka.

Xiddigaha kooxda chelsea ayaa lagu soo waramayaa in ay tababaraha kooxda ee Maurizio Sarri u sheegeen in uuna kulamada kooxda ku bilaabin xiddiga khadka dhexe ee Jorginho kadib guuldaradii Bournemouth.

Blues ayaa guuldaro 4/0 ah kala kulantay kooxda Bournemouth Kulan premier league ahaa oo dhacay bartamihii todobaadka taas oo keentay in uu tababaruhu 50 daqiiqo wadahadalo kula qaato xiddigaha kooxda qolka Labiska.

Sarri ayaa doonayay in ay kooxdiisu jawaab ka bixiyaan guuldaradii ka soo gaadhay kooxda Arsenal todobaadkii 23-aad ee premier league.Tababaraha reer Italy ayaa xiddigaha kooxdiisa u sheegay in ay uga warbixiyaan sababta guuldaradii Bournemouth.

Wargayska The Telegraph ayaa sheegaya in ay xiddigaha kooxda chelsea u sheegeen

tababaraha in uuna mar dambe xiddiga Jorginho ciyaarsiin kulamada kooxda sababo la xiriira in qaab ciyaareedka kooxda uu aad ugu tiirsan yahay Jorginho.

Xiddigii hore ee Napoli ayaa Sarri kula soo biiray chelsea xagaagii waxana uu booska kala wareegay xiddiga N’Golo Kante.

Sidaas darteed xiddigaha kooxda ayaa u sheegay in booska uu ka ciyaaro Jorginho uu muhiim u yahay kooxda sidaas darteed uuna mar dambe ciyaarsiin laakiin Kante ku soo celiyo booskaas.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here