Mudada Uu Ousmane Dembele Ka Maqnaan Doono Garoomada Oo La Ogaaday & Kulamada Uu Seegi Doono.

Wargayska Mundo Deprtivo ayaa shaaca ka qaaday mudadada uu xiddiga Ousmane Dembele ka maqnaan doono garoomada kadib dhaawac ka soo gaadhay kulankii Leganes.

Barcelona ayaa guul weyn ka gaadhay kooxda Leganes kulan ka tirsanaa horyaalka La Liga todobaadkiisii 21-aad isaga oo Ousmane Dembele goolka 1-aad u dhaliyay ka hor inta uuna dhaawac uga bixin kulanka.

Kooxda Barcelona ayaa xaqiijisay kulanka kadib in uu xiddiga Ousmane Dembele ka dhaawacmay kuraanta lugta bidix sidaas darteed lagu samayn doono baadhitaan dheeraad ah.

Wargayska Mundo Deportivo oo aad ugu dhaw kooxda Barcelona ayaa sheegaysa in baadhitaanka hordhaca ah sheegayo in uu xiddigu garoomada ka maqnaan doono kaliya hal todobaad.

Sidaas darteed xiddiga ayaa seegi doona kulanka lugta 1-aad ee Copa Del Rey-ga ay Barcelona la ciyaari doonto Sevilla iyo kulanka Girona ee horyaalka La Liga.

Ousmane Dembele ayaa ku jira qaab ciyaareed cajiib ah isaga oo dhaliyay 12 gool sidoo kale caawiye ka noqday 5 gool oo kale.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here