Kooxda Barcelona ayaa ku guuleysatay kualnkii Derby Catalonia ee ay la ciyaartay kooxda Espanyol kulan ka tirsanaa horyaalka , kulanka ayaana ku soo dhamaaday 2-0 oo ay guushu ku raacday kooxda Barcelona .
Qeebtii koowaad kulankii adkaa ee u dhaxeyey kooxaha isku magaalada ka dhisan ee Barcelona iyo Espanyol ayaa ku soo dhamaaday bareejo gool la’aan ah .
Labada dhinacba waxa ay soo bandhigeen qaab ciyaareed cajiib ah qeebtii koowaad ee ciyaarta balse midna uma suura galin in ay gool dhaliyaan .
Kooxda Barcelona oo ku ciyaareysay garoonkeeda ayaa ka fursado badneed dhigeeda kooxda Espanyol balse fursadihii ay heshay mid kama aysan faa’ideysan .
Kulan ciyareedka qeebtiisa koowaad ayaa lagu kala maray bareejo goolal la’aan ah , balse markii dib la isagu soo laabtay qeebtii dambe ee ciyaarta kooxda Barcelona ayaa heshay goolka koowaad ee ciyaarta .
Daqiiqadii 71-aad ee ciyaarta kabtanka kooxda Barcelona Lionel Messi ayaa kooxdiisa u keenay goolka koowaad ee ciyaarta , natiijada kulanka ayaana noqday 1-0 oo ay ku hor kaceyso kooxda Barcelona .
Barcelona ayaa la wareegtay gacan ku heenta kulanka iyaga oona weerar badan ku qaadayey shabaqa kooxda Espanyol balse markale waxaa shabqa kooxda Barcelona gaaray mucjisada kubada cagat ee Messi , natiijada ciyaarta ayaana isku badashay 2-0 oo ay ku gacan sareyso kooxda Barca .
Ugu dambeen kulan ciyareedka ayaa ku soo dhamaaday (2-0) Messi ayaa kooxdiisa guul micno badan xambaarsaneed gacanta u giliyey .