Muarizio Sarri Oo Tilmaamay Hal Is Badal Oo Uu Ku Samayn Lahaa Siyaasada Chelsea Ee Suuqa Kala Iibsiga

Tababaraha Kooxda Chelsea ee Maurizio Sarri ayaa shaaca ka qaaday hal is badal oo uu ku samayn lahaa siyaasada suuqa kala iibsiga kooxda chelsea.

Maurizio Sarri ayaa sheegay in uu meesha ka saari lahaa siyaasada Chelsea ee ah in hal sano oo heshiis cusub ah loo soo bandhigo xiddigaha ka weyn da,da 30 jirka.

Cesc Fabregas ayaa ku dhaw in uu isaga tago kooxda kadib markii ay kooxdu diiday in ay u soo bandhigto heshiis cusub.

Fabregas oo 31 jir ah ayaa ku dhaw in uu ku biiro kooxda Monaco oo uu tababare u yahay Thierry Henry isaga oo ugu biiri doona heshiis 2 sano iyo badh ah.

Xiddiga ayaa si Rasmi ah u macasalaameeyay taageerayaasha kooxda Axadii kulankaas oo uu xidhay calaamada kabtanimada markii ay 2/0 uga badiyeen Nottingham Forest Kulan FA Cup-ka ahaa.

David Luiz ayaa sidoo kale ka tagi kara kooxda suuqa xagaaga marka uu dhamaado heshiiskiisa haatan inkasta oo uu muhiim ka yahay qorshaha Sarri.

“Anigu ma lihi kooxda sidaas darteed fikirkaygu muhiim ma ahan”ayuu Sarri yidhi ” Fikirkayga ayaa ah in laga fikiro xaalada markaas joogta”.

“Xaaladu ma ahan mid isku mid ah xiddig kasta oo 30 jir ah sidaas darteed waa fikirkayga, hadii aad awoodo in aad iibiso chelsea waan ka fikiri doonaa in aan badalno”.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here