Muarizio Sarri Oo Aan Waxba Ula Hadhin Xiddigaha Chelsea si Xuna U Weeraray Kadib Guuldaradii Arsenal

Tababaraha Kooxda Chelsea ee Maurizio Sarri ayaa weerar ku qaaday qaabkii ay xiddigaha kooxdiisu u galeen kulankii ay guuldarada kala kulmeen kooxda Arseanal isaga oo sidoo kale su,aal ka keenay dhiiri galintooda.

Blues ayaa guuldaro 2/0 ah kala kulantay Emirates iyada oo ay kala dhaliyeen labada gool xiddigaha Alexandre Lacazzette iyo Laurent Koscielny qaybtii hore ee ciyaarta taas oo uga filnaatay in ay helaan 3-da dhibcood ee kulanka.

Sarri ayaa wakhti ku hadhay qolka labiska ka hor inta uuna ka soo bixin isaga oo qaylinaya turjumaagiisana u sheegay in uu hubiyo in ay si cad u fahmaan fariintiisa.

“Run ahaantii waxa aan ka xanaaqsanahay qaabka aan u bilaabanay ciyaarta maanta”ayuu Sarri u sheegay BT Sport.

“Waan fahamsanahay marka aad la ciyaarayso kooxo waaweyn in aad naftaada ku arkayso qaab adag mar kasta – laakiin waa in aad ka fal celiso dhibaatooyinkaas waliba qaab ka fiican sidii maanta”.

“Aan idhaahdo waxa aan runtii si aad ah uga xanaaqsanahay guuldarada maanta sababta oo ah maskax ahanteena, waxa ay ahaayeen qaar ay ka go,antahay guushu marka loo eego anaga, mana aqabli karo arintaas, waa dhibaato dhacday kulankii Tottenham waanan kala hadlay xiddigaha waxanan u malaynayay in la xaliyay”.ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here