Mourinho oo laba shuruud ku xiray dib ugu soo labashadiisa shaqada tababarka

Tababarihii hore kooxda Manchester United ee Jose Mourinho ayaa shuruud ku xiray dib ugu soo laabashadiisa shaqada tababarka ee kubada cagta.

Jose Mourinho ayaa wareysi uu la yeeshay wargeyska Telegraph ee dalka England wuxuu ku sheegay:

“Ma doonayo inaan ka shaqo bilaawo koox uu ka jiro loolan gudaha ah, waxaan doonayaa in ay xasilooni ka jirto gudaha kooxda”.

“Waxaan doonayaa inaan ka shaqo bilaabo koox fahamsan inay jirto dhiiragalin, tan iyo inta aan ku soo jiray xirfadeyda waxaan ku shaqeynayay xaalad kasta ee macquul ah”.

“Kooxda aan jeclahay inaan ka shaqo bilaabo, waa inay noqotaa koox aanan ku jirin deg deg ah inay ku guuleystaan koobab isla markiiba, balse ah koox leh hami ah inay koobab ku guuleystaan, hadii ay kooxdu tahay bilaa hami ma aqbalayo inaan tababare ka noqdo”.

“Waxaan diidey dalab, sababtoo ah waxaan doonayaa in hamigeyga kubada cagta uu noqdo mid heer saro ah, tani waa shuruudeyda labaad ee aniga ahaan, kadib shuruuda koowaad ay ka mid tahay inaan la shaqeeyo dad aan jeclahay, isla markaana aan la wadaagi karo fikrado isku mid ah”.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here