Morata, Coutinho, James, Suarez, Dybala, Isco, Fabregas & Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Suuqa Kala iibsiga

0

Waxa si Rasmi ah u furmay suuqa kala iibsiga January kaas oo ay kooxo badan suuqa u gali doonaan sidii ay u xoojinlahaayeenkooxdooda si koobabka ugu tartamaan qaybta dambe ee xilli ciyaareedka

Sidoo kale waxa jiri doona xiddigo si aad ah u doonaya inayisaga tagaan kooxaha ay haatan joogaan sabab la xidhiidha ciyaaris la,aan siayu raadsadaan koox ay si joogto ah ugu ciyaaraan

Hadaba kooxda.com ayaa idiin soo gudbin doonta maalinwalbasubaxnimadawararkii ugu dambeeyay ee ay wargaysyada kubada cagtu kaqoreensuuqa kala iibsiga.

Kooxda Sevilla ayaa chelsea la qaadatay wadahadalo ay kaga doonayso weeraryahanka reer Spain ee Alvaro Morata inta ka dhiman xilli ciyaareedkan (Goal.com).

Ku biiristii Cesc Fabregas ee kooxda Monaco ayaa hakad galay maadama ayna kooxda reer France Chelsea kala heshiin qiimaha lagu iibinayo xiddiga khadka dhexe (Evening Standard).

Kooxda Man United ayaa wadahadalo la furtay kooxda Barcelona si ay uga hesho xiddiga Philippe Coutinho iyaga oo diyaar ula ah 100 Milyan oo euro (Caught Offside).

Xiddigaha Kooxda Man United ayaa doonaya in uu Ole Gunnar Solskjaer noqdo tababaraha buuxa ee kooxda Man United (Mirror).

Kooxda Atletico Madrid aya diiday dalab ay Man United ka gudbisay daafaca khabiirka ah ee Diego Godin (Tutto Mercato Web).

Kooxda Real Madrid ayaa bilowday isku dayga saxiixa xiddiga khadka dhexe uga ciyaara kooxda Tottenham ee Christian Eriksen iyaga oo diyaar ula ah 100 Milyan oo euro (Independent).

Kooxda Juventus ayaa dalabyo ka diiday kooxaha Man City iyo Bayern Munich kuwaas oo ay ku doonayeen xiddiga Paulo Dybala (Tuttosport).

Kooxaha Borussia Dortmund iyo Bayern Munich ayaa ku dhaw in ay Liverpool ku garaacaan weeraryahanka kooxda RB Leipzig ee Timo Werne (Bild).

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here