Mohamed Salah & Virgil Van Djik Oo Liverpool Ka Caawiyay Guul Ay Ka Gaadhay Wolves Xilli Reds 4 Dhibcood Ku qabatay Hogaanka Premier league

0

Kooxda Liverpool ayaa guul ay u qalantay ka gaadhay kooxda Wolverhampton Wanderers kulan ka tirsanaa todobaadkii 18-aad ee horyaalka premier League Kana dhacay garoonka Molineux Stadium.

Reds ayaa kulanka ku bilaabatay si cajiib ah iyaga oo qaadayay weeraro ay ku doonayeen in ay goolal uga dhaliyaan kooxda Wolves kuwaas oo daafac ku bilowday ciyaarta.

Kooxda Liverpool ayaa daqiiqadii 18-aad dhalisay goolka 1-aad iyaga oo uu u dhaliyay Mohamed salah kaas oo ciyaarta ka dhigay 1/0 ay Reds ku hogaaminayso kulanka.

Wolves ayaa wixii intaas ka dambeeyay ka gacan saraysay Liverpool iyaga oo ciyaarayay weeraro rogaal celis ah oo dhawr jeer halis galiyay kooxda Liverpool.

Waxa sidaas ku dhamaatay qaybtii hore ee ciyaarta oo ay Reds 1/0 ku hogaaminayso laakiin kulanka laga dhalin karay goolal intaas ka badan marka loo eego fursadihii labada kooxood.

Qaybtii dambe ayay Labada kooxoodba ku bilowdeen si dar-dar leh iyada oo Liverpool doonaysay in ay natiijada dheeraysato halka Wolves raadinaysay goolka bar-baraha.

Liverpool ayaa nasiib u yeelatay goolkii 2-aad iyada oo uu daqiiqadii 68-aad goolka u dhaliyay daafaca Virgil Van Djik kaas oo ciyaarta ka dhigay 2/0 ay Reds ku hogaaminayso ciyaarta.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay Liverpool sidaas ku gaadhay guul 2/0 ah Sidaasna 4 dhibcood ugu qabatay hogaanka horyaalka premier league.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here