Mohamed Salah Oo Sharaxay Sababta Uuna U Noqon Doonin Weeraryahan Toos Ah Oo Fiican

Xiddiga kooxda Liverpool ee Mohamed Salah ayaa qarka u saaran in uu jabiyo rikoodh kale laakiin ma rumaysana in uu yahay weeraryahan toos ah.

Xiddiga reer Masar ayaa isku diyaarinaya kulanka ay Liverpool caawa la ciyaari doonto Watford isaga oo ka war qaba gool uu dhaliyo in uu noqon doono goolkiisii 50-aad ee premier League.

Xiddigii hore ee Liverpool Fernanado Torres ayaa haysta rikoodhka xiddiga kulamada ugu yar ku gaadhay 50 gool premier League isaga oo ku gaadhay 72 kulan.

Si kasta ha ahaatee gool uu Mohamed salah ka dhaliyo Watford ayaa noqon doona kulankiisii 64-aad ee uu ku dhaluyo 50 gool isaga oo kulamo ka yar Torres ku gaadhi doona rikoodhkaas.

Sidoo kale waxa uu jabin doonaa rikoodh premier League ah ee 50 gool lagu dhaliyay kulamada ugu yar koox kaliya kaas oo uu Alan Shearer haysto kuna dhaliyay 66 gool.

Salah oo arintaas ka hadlaya ayaa Liverpool Echo u sheegay” way fiicnaan lahayd in aan dhaliyo 50 gool, 51 ama 52 waa Lambar kaliya waxa aan mar walba naftayda ku riixaa in aan goolal dhaliyo qaab fiicana soo bandhigo”.

“Dabcan rikoodhku wuu fiican yahay laakiin aniga horyaalka ayaa iiga muhiimsan”.

“Waxa aan leenahay todobaad weyn waxa aan ciyaari doonaa 3 kulan 8 maalmood hadii aan si fiican u ciyaarno waxa aan ku jiri doonaa kaalinta ugu saraysa horyaal”.

Xiddiga ayaa ka ciyaara weerarka tooska ah ee Liverpool laakiin waxa uu qirtay in uu jecel yahay in uu ka ciyaaro garabka weerarka.

“Waxa aan ka ciyaaraa xilli ciyaareedkan weerarka tooska ah laakiin waxa aan sidoo kale jeclahay in aan ka ciyaaro garabka”ayuu yidhi.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here