Mohamed Salah Oo La Bar-Bar Dhigay Lionel Messi Kadib Kulankii Wolves Ee Jimcihii

0

Halyeeyga Kooxda Man United ee Garth Crooks ayaa qaab ciyaareedkii Mohamed salah ee kulankii Wolves ku bar-bar dhigay xiddiga kooxda Barcelona ee Lionel Messi.

Liverpool ayaa guul 2/0 ah ka gaadhay kooxda Wolves jimcihii kulan ka tirsanaa horyaalka premier league todobaadkiisii 18-aad.

Mohamed salah ayaa dhaliyay hal gool sidoo kale caawiye ka noqday goolkii 2-aad ee uu dhaliyay Daafaca Virgil Van Dijk.

Garth Crooks oo arintaas ka hadlaya ayaa yidhi” Qaab ciyaareedkii Mohamed salah ayaa ahaa mid cajiib ah qaybtii hore ee kulankii Wolves”.

“Dhaq-dhaqaaqiisa kubad la,aanta iyo Marka uu kubada haysto ayaa si aad ah ula mid ahaa waxa uu Lionel Messi sameeyo, waxa uu joogay meel walba”.

“Waxa jirtay mar uu Mohamed salah joogay daafaca kooxdiisa ka hor intii uuna goolka ka dhalin Wolves taas ayaana ah mid uu ku mudan yahay in lagu amaano”.

” Waxa uu Mohamed salah laagay laadka xorta ah ka hor inta uuna kubad dib ugu helin taas oo keentay in ay helaan saaxiibadiisa jooga dilinta ganaaxa Wolves”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here