Mohamed Salah Oo Khatar Ugu Jira In Uu Seego Kulamada Arsenal & Man City, Sabab

0

Xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda Liverpool ee Mohamed Salah ayaa khatar ugu jira in uu seego kulamada adag ee ay kooxdiisu la ciyaari doonto kooxaha Arsenal iyo Man City.

Mohamed salah ayaa khatar ugu jira in uu ganaax ku seego kulamada Arsenal iyo Man City kadib markii uu si kas ah isku tuuray kuna helay rikoodhe kulankii ay Liverpool guusha weyn ka gaadhay kooxda Newcastle.

Wargayska The Sun ayaa sheegaya in uu Mohamed salah khatar ugu jiro in dusha laga saaro ganaaax laba kulan ah hadii lagu helo in uu si kas ah isku tuuray si uu rikoodhe u helo.

Xiriirka Kubada cagta ayaa Salah ku eedeeyay in uu istuuray si uu rikoodhe ku helo intii uu ku jiray kulankii ay Liverpool guusha ka gaadhay kooxda Newcastle.

Mohamed salah ayaa loo qabtay ilaa 48 saac si uu uga jawaabo eedayntaa oo uu ku qirto ama uu ku beeniyo si loo go,aamiyo ganaaxiisa wakhtiga soo socda.

Liverpool ayay dhirbaaxo ku noqon doontaa hadii dambiga lagu helo xiddiga isaga oo ganaax ku seegi doona kulamada go,aamin kara xilli ciyaareedkooda ee Arsenal iyo Man City ee maalmaha soo socda.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here