Mohamed Salah Oo Kashifay Wixii Ay Ka Wada Hadleen Qaybtii Nasashada Kulankii Crystal Palace

Liverpool ayaa soo celisay dhibcihii 7-da ahaa ee ay ka horaysay kooxda Man City kadib guul dirqi ah oo ay ka gaadhay Crystal Palace.

Kooxda Roy Hodgson ayaa ku dhawaatay in ay Liverpool mariso halkii ay marisay Man City kadib markii ay guul kaga gaadhay garoonkeeda.

Laakiin Xiddigaha Salah, Mane iyo Firmino ayaa u gurmaday kooxdooda hubiyayna in ay 3-da dhibcood ku reebtaan garoonka Anfield.

Reds ayaa qaybtii hore baxday iyaga oo 1/0 lagu leeyahay waliba ku dhibaatooday in ay dhaafaan daafacii adkaa ee kooxda Crystal Palace.

Laakiin Reds ayaa qaybtii dambe ee ciyaarta ku bilaabatay si dar-dar leh iyaga oo soo bandhigay qaab ciyaareed ka fiican midkii hore.

Markkii wax laga waydiiyay wixii ay isku yidhaahdeen qolka Labiska qaybtii Nasashada Salah ayaa yidhi” Waxa aan isku sheegnay in aanu ahaano qaar xoogan maskax ahaan”.

“Kulanku waxa uu ahaa mid nagu adag waxana aan ka wada hadalnay in aanu ahaano qaar adag, waxa aan ka hadalnay in aanu isku duubnaano, tababaraha ayaa sidoo kale noo sheegay in aan si fiican u ciyaarnay una qalanay in aan guul gaadhno kulnaka”.

“Waanu filaynay in uu ahaan doono kulan adag laakiin waxa aan u ciyaarnay si fiican ugu dambayna waxa muhiim ah natiijada oo 3 dhibcood ah waana aan helnay”.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here