Mohamed Salah Oo Kaadh Cas Ka Badbaaday Kulankii Fc Porto Ee Champions Legaue

0

Xiddiga garabka uga ciyaara kooxda Liverpool ee Mohamed Salah ayaa Nasiib fiican u lahaa in uu ka badbaado kaadh cas oo toos ah kulankii ay Liverpool guusha 2/0 ah ka gaadhay kooxda Fc Porto kulankii ka dhacay Anfield kana tirsanaa tartanka champions League.

Salah ayaa khalad xun ku galay xiddiga khadka dhexe uga ciyaara kooxda Porto ee Danilo kaas oo lahaa kaadh cas oo toos ah sida uu sheegay garsoorihii hore ee Phil Dowd.

Xilli ay 10 daqiiqo ka dhimanayd dhamaadka ciyaarta xiddiga Liverpool ayaa isku dayay in uu kubada helo isaga oo joogay meel u dhawayd dilinta ganaaxa kooxda Porto laakiin daafaca Eder Militao ayaa dib u haystay Salah.

Kadib markii uu iska fur-furay Salah ayaa lugtiisa bidix dusha ka saaray lugta Danilo xilli uu isku dayay in uu kubada ka qaato xiddiga reer Portugal.

“Waxa aan dareemayay in ay ugu yaraan eegi doonaan VAR”ayuu Dowd u sheegay BT Sport.

“Waxa aan daawaday 3 ilaa 4 jeer aniga fikir ahaantayda waxa ay ahayd in kaadhka cas oo toos ah”.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here