Mohamed Salah Oo Ka Tagi Kara Liverpool Xagaaga Hadii Ay Halka Arin Dhici Waydo

0

Kooxda Liverpool ayaa khatar ugu jirta in ay waydo xiddigeeda ugu fiican ee Mohamed salah dhamaadka xilli ciyaareedkan sida laga soo xigtay wargayska Express.

Xiddiga reer Masar ayaa ku jira qaab ciyaareed cajiib ah tan ilaa markii uu ku soo biiray kooxda xagaagii 2017 kagana soo biiray kooxda Roma.

Mohamed salah ayaa ku jira qaab ciyaareed cajiib ah tan ilaa markii uu kooxda Liverpool ku soo biiray isaga oo kooxda ka caawiyay in ay guulo gaadho.

Laakiin Wargayska Express ayaa sheegaya in ay Liverpool waayi doonto xiddigeeda dhamaadka xilli ciyaareedkan gaar ahaan xagaaga dambe.

Wargayska ayaa sheegaya in uu Mohamed salah boorsooyinkiisa ka qaadan doono Liverpool hadii ayna kooxdu ku guulaysan koob weyn sida champions league ama Premier League xilli ciyaareedkan.

Liverpool ayaa haatan hogaanka u haysa hryaalka premier league iyada oo 4 dhibcood ka horaysa kooxda Kaalinta 2-aad ee Man City.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here