Mohamed Salah Oo Balan La Leh Taariikhda Premier League Kulanka Crystal Palace

Xiddiga kooxda Liverpool ee Mohamed Salah ayaa ku dhawaanaya rikoodh taariikhi ah kulanka ay Liverpool maanta la ciyaari doonto kooxda Crystal Palace.

Reds ayaa marti galin doonta Crystal Palace kulan ka tirsan todobaadkii 23-aad ee horyaalka premier League kulan ka dhici doona Anfield.

Shabakada AnfieldHQ ayaa sheegtay in Mohamed salah noqon doono xiddigii 3-aad ee ugu deg-dega badnaa ee 50 gool ka dhaliya horyaalka premier League.

Mohamed Salah ayaa haatan dhaliyay 48 gool 61 kulan oo uu dhaliyay tan ilaa markii uu ku soo biiray horyaalka premier League.

Salah ayaa 46 gool u dhaliyay kooxda Liverpool halka uu 2 gool u dhaliyay kooxda chelsea isaga oo kulanka Crystal Palace isha ku haya kulan taariikhi ah.

Shabakada ayaa sheegaysa in xiddigii ugu dambeeyay ee 50 gool dhaliya premier League in uu ahaa Fernanado Tores kaas oo ku dhaliyay 72 gool markii uu joogay Liverpool.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here