Modric & Courtois Oo Ku Guulaystay Abaalmarinta Xiddigaha Ugu Fiican Sanadkii 2018 Ee IFFHS

Xiddigaha Kooxda Real Madrid ee Luka Modric & Thibaut Courtois ayaa ku guulaystay abaalmarinta xiddigaha ugu fiican ee ay bixiso International Federation of History and Statistics in Football (IFFHS) sanadka 2018.

Modric ayaa loo magacaabay xiddiga ugu fiican halka Courtois loo magacaabay goolhayaha Ugu Fiican iyada oo abaalmarinta lagu gudoonsiiyay labada xiddig garoonka tababarak Real Madrid.

Abaalmarinta ayay codeeyeen khabiiro kubada cagta ah oo ka kala socday 90 dal waxana uu Modric helay cod dhan 272 isaga oo ka horeeyay xiddigaha Lionel Messi (144), Eden Hazard (114), Kevin De Bruyne (36) & Neymar (18).

Goolhayaha Real Madrid ayaa dhankiisa helay cod dhan 181 cod isaga oo ka horeeya Hugo Lloris (109), Gianluigi Buffon (59), Keylor Navas (58), Jan Oblak & Marc-Andre ter Stegen (labadooduba 49).

Abaalmarintan ayaa ah midii ugu dambaysay ee uu Modric ku guulaystay kadib markii uu sanadkii hore ku guulaystay abaamarinaha The Best iyo Ballon d’Or.

Courtois ayaa dhankiisa loo magacaabay xiddigii ugu fiicnaa koobkii adduunka ee ka dhacay dalka Russia ee uu ku guulaystay France.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here