Miyuu Scott McTominay Ka Tagi Doonaa Man United Xagaaga? Ilow Wareedyo Man United Ku Dhaw Ayaa Go,aaday Go,aanka Tababaraha Ee Mustaqbalka Xiddiga

0

Tababaraha Kooxda Man United ee Ole Gunnar Solskjaer ayaa go,aan ka gaadhay mustaqbalka da,yarka kooxdiisa ee Scott McTominay kadib markii ay soo bexeen warar sheegaya in ay Man United amaah ku diri doonto xiddiga dhamaadka xilli ciyaareedka dambe.

Solskjaer ayaa sheegay in da,yarka McTominay uu ka mid yahay qorshihiisa kooxda Man United ee xilli ciyaareedka dambe kadib qaab ciyaareed cajiib ah oo uu soo bandhigay tan ilaa markii uu tababaraha u noqday kooxda.

Xiddiga ayaa kulamo u ciyaaray kooxda isaga oo qaab ciyaareed cajiib ah soo bandhigay kulamadii ugu dambeeyay oo uu ugu dambeeyay kulankii ay Man United la ciyaaraysay kooxda Barcelona.

Qaab ciyaareedka xiddiga ayaa keenay in ay kooxo badan oo premier League ah dalabyo ka soo gudbiyaan xiddiga si ay amaah ugu qaataan xiddiga dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Laakiin ilo wareedyo ku dhaw Old Trafford ayaa sheegtay” Ole iyo Scott waxa ay leeyihiin xiriir xoogan inkasta oo ay wakhti yara wada jogeen”.

“Waxa ay inta badan ka hadlaan qaab ciyaareedka xiddiga sidii ay u u fiicnayn lahaayeen, todobaadkii hore wakhti dheer ayay kaligood ku ahaayeen garoonka tababarka”.

“Ole ayaa u sheegay qaabka uu ula dhacsan yahay qaab ciyaareedkiisa kulamadii ugu dambeeyay isaga oo u balan qaaday in uu ka mid yahay qorshihiisa xilli ciyaareedka dambe”.

“Waxa jira warar sheegaya in uu xiddigu amaah uga tagi doono kooxda laakiin ma dhici doonto sababta oo ah waxa uu joogi doonaa kooxda xilli ciyaareedka dambe”.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here