Miyuu Roberto Firmino Diyaar U Noqon Doonaa Kulanka Barcelona? Jurgen Klopp Ayaa Ka Jawaabay

0

Tababaraha Kooxda Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa ka hadlay fursadaha Weeraryahanka Roberto Firmino ee kulanka champions League kadib markii uu dhaawac muruqa ah ku seegay kulankii ay Liverpool guusha ka gaadhay kooxda Huddersfield Town kulan ka tirsanaa horyaalka premier League.

Kooxd Liverpool ayaa 5/0 k garaacday Huddersfield Town xilli ay Sadio Mane iyo Mohamed Salah kala qaybsadeen goolasha xilli uu Roberto Firmino ka maqnaa Kulankaas.

Jurgen Klopp oo la hadlaya BBC Sport ayaa yidhi” Roberto Firmino waxa uu diyaar u ahaan doonaa kulanka Barcelona, Ha rumaysan waxa la isla dhex marayo baraha bulshada”.

“Waxa uu sareemay xanuun yar subaxnimadii jimcihii laakiin waxa aan xaqiijin karaa in uu diyaar buuxa u noqon doono kulanka Barcelona”ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Roberto Firmino ayaa gabi ahaan ka maqnaa kulankii Huddersfield kaas oo lama filaan ku noqday taageerayaasha Reds.

Si kasta ha ahaatee tababare Jurgen Klopp ayaa ka farxiyay taageerayaasha kooxdiisa kadib markii uu xaqiijiyay in uu xiddiga reer Brazil taam u noqon doono kulanka Muhiimka ah ee Barcelona.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here